
Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Nairobi maalin kadib markii uu noqday madaxwaynihii ugu horreeyey isagoo xil haya hor taga maxkamadda dambiyada adduunka.
Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha waxaa soo dhoweeyay boqollaal taageerayaashiisa ah halka kumanaan kalena ay ku sugayaan wadooyinka magaalada.
Qareennada u doodaya Uhuru ayaa ka dalbaday garsoorayaasha maxkamadda dambiyada adduunka in ay dacwadda meesha ka saaraan.



From the comments