
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) ayaa maanta daah furay ololaha tallaalka cudurada dabeysha iyo jadeecada oo laga fulin doono gobollada Banaadir iyo Jubbada hoose.
Wasiirka ayaa maanta la kulmay xubno ka socda qaramada midoobey oo uu kala hadlay arimo la xiriira ka hor taga cudurka dabeysha xilli dhowaan uu bilaabanayo.
Waxa uu ku booriyay shacabka in ay ka qeyb qaataan ololaha looga hor tagayo cudurada dabeysha iyo jadeecada isla markaana ay ka faa’ideystaan.



From the comments