Dagaal khasaare gaystay ayaa caawa ka dhacay Agagaarka Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, Dagaalka ayaa u dhexeeyay Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida oo kawada tirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Isku dhaca ayaa ka dhashay khilaaf ku dhex maray Ciidamada Boolis-ka iyo Ciidanka Nabad Sugid a jid-gooyo taalay agagaarka Dekada Xamar, khilaafkii ayaa isku badalay dagaal dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka dhashay dagaalka, dhaawacyadii ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada halka aan la hubin ilaa iyo hadda tirada saxda ah ee dhimasha.



From the comments