Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wafdi ka socda Midowga Yurub maanta kula kulmay xarunta maamulkaas ee Garoowe.
Safiiro ka kala socday wadamada Ingiriiska, Sweden, Norwey , Nederland iyo madaxda hay’addaha UNODC iyo UNNOPS ayaa shirkaas ka qeyb galay.
Dhinacyada halkaas ku shiray ayaa ka wada hadlay Xakamaynta iyo La dagaalanka Kooxaha Burcad badeedka, dadka maal geliya Burcad Badeeda iyo sidii tayada Xabsiyada Puntland kor loogu qaadi lahaa.



From the comments