Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Switzerland.
Wefdigan uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa hogaaminayey Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Switzerland H.E. Yves Rossier , waxaana kulankaasi uu ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya, wasiir ku-xigeenka arimaha dibedda Soomaaliya ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta kulankaasi ka qeyb galay ee wefdia soo dhoweeyay.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa war fidiyeenada la hadlay kulanka kadib waxa uu sheegay in isaga iyo Yosef Rosseir ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dowladood, taageerada dowladda Switzerland ee dib u dhiska Soomaaliya iyo gargaarka ka socda gobollada ay abaaraha saameeyeen.



From the comments