Cabdi Qeybdiid: Waan ka qaadnay xayiraada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo (Dhageyso)
Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ay xayiraada ka qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo maalmihii u dambeeyay xirnaa. Waxa uu xusay in Galmudug ay diyaar…
Published September 28, 2014
Akhris 1 daqiiqo ah
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ay xayiraada ka qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo maalmihii u dambeeyay xirnaa.
Waxa uu xusay in Galmudug ay diyaar u tahay wada hadalka ay ku baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Qeybdiid ayaa tilmaamay in uu shaqeynayo garoonka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo kaas oo maanta ay ka dagayeen diyaarado kala duwan.
Madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in diyaarado ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka degayeen garoonka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.Waxa uu tilmaamay in shacabka ay ugu baaqayaan in ay nabadda ka wada shaqeeyaan.
From the comments