
Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galaya shir waynaha qaramada midoobey uga socda magaalada New York ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya taageerayaan ilaa inta ay dalkeeda oo dhan ka nabadeynayso.
Kenyatta ayaa tilmaamay in amaanka Soomaaliya oo la xoojiyo ay ku xiran tahay in dalxiiskii Kenya uu dib u soo naalaado, isagoo sheegay in dalxiiska dalkiisu uu hoos u socday tan iyo markii weerarrada argagaxiso lagu soo qaaday Kenya.
“Sida aan maleynayno Al-shabaab oo laga adkaado ayay ku jirtaa in horumar siyaasadeed iyo mid nabadeed la gaaro,” ayuu yiri Kenyatta isagoo xusay in ciidamadooda Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM ay Al-shabaab deegaano badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla ay ka saareen.



From the comments