Taliyaha cusub ee booliska gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay ku soo qabteen howl gallo ay ka sameeyeen degmooyin hoos yimaada gobolkaasi.
Ismaaciil Axmed Cismaan oo dhowaan la wareegay xilka oo ay dowladdu u magacawday ayaa tilmaamay in howl galkan uu bilowday markii uu la wareegay todobaadkii la soo dhaafay xilka taliyaha ciidamada booliska ee gobolkaasi oo uu sheegay in lagu xasilinayay amniga degmooyinka dowladdu ay ka joogto gobolkaasi.
Taliyaha ayaa xusay in ay beegsadeen meelo gaar ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xarakada Al-shabaab.



From the comments