
Waxaa maanta xoriyadiisa dib u helay suxufi kooxo burcad badeed Soomaali ah ay haysteen ku dhowaad saddex sano. Micheal Scott oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku jiray gacmaha afduubayaasha ee gobolka Mudug.
Micheal Scott ayaa la afduubtay January 2012-kii waqtigaas oo uu doonayay in uu wax ka qoro Soomaaliya iyo burcad badeeda, waxaana mudadii la haystay uu ku sugnaa dhul baadiyo ah.
Axmed Muuse Nuur guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo muddo kooban ay wada joogeen Micheal ayaa u sheegay warbaahinta in wariyahan lagu soo wareejiyay Puntland si nabad gelyo leh looga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo.



From the comments