Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe kula kulmay agaasimaha guud ee hay’adda cunnada iyo beeraha dunida ee FOA Rudi Van Aaken iyo sidoo kale madaxa FAO ee Puntland Maxamed Salax Al-sudani.
Kullanka ayaa mudadii uu socday waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:-
1: Dar dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay hay’adda FAO ka wado gudaha Puntland iyo sidoo kale mashaariic ay ka mid yihiin kalluumaysiga, daweynta xoolaha iyo waliba tallaalka.
3: Dhisida Xarumo loogu tala galay in la dhigo talaagadaha lagu qaboojiyo Kalluunka .
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Rudi Van Aaken ayaa isku af gartay in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban si ay u noqdaan mashaariic ay ka faa’iidaystaan shacabka maamulka Puntland.
From the comments