
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Qoryooley kadib markii la sheegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha maamulka degmadaasi Maamed Xaaji Cismaan oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamadu ay u dhaqaaqeen deegaano gaaraya ilaa lix tuulo oo la sheegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.
Waxa uu dhinaca kale sheegay in wafdigii dhawaan tagay degmadaasi ay u ballan qaadeen dib u dhiska xarumaha dowladda hoose, dugsiga sare iyo isbitaalka degmadaasi oo uu sheegay in ay qalabeyn doonaan.



From the comments