Wasaarada arimaha gudadah iyo Federaalka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in bilaha soo aadan ay ku guulaysan doonaan in maamullo dadka ay ogolyihiin ay ka hir galiyaan qaar ka mid ah gobolada dalka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Saalax Bangax ayaa sheegay in gobolada ay ka socdaan shirarka lagu dhisayo maamuladaasi.
Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi in shirkan ay ka soo baxayaan guulo waa wayn oo saldhig u noqdo maamulada dowladda ay doonayso in ay ka hana qaadaan gobolada dalka.



From the comments