Raisulwassare ku xigeenka ahna wasiirka diinta iyo owqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo war baahinta lahadlay kadib shir golaha wasiirada galabta ay yeesheen ayaa ka war bixiyey wax yaabihii kulanka looga hadlay.
Mudane Ridwaan ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto ololaha ka dhanka ah hubka sharci darada ah ee dhawwaan xukuumaddu ay bilowday, si looga hortago dilalka iyo falalka kale ee ammaan darro ee ka jira magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxaa uu beeniyey wararka sheegaya in xil ka qaadistii agaasimaha hey’adda nabad sugidda qaranka C/llaahi Maxamed Cali sanbaloolshe ay khilaaf ka dhex abuurtay madaxda dowladda.



From the comments