Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka Kismaayo uu weli u furan yahay dhinacyada kale ee dhaliilsan qaabka uu shirku ku bilowday.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo u waramayay Goobjoog FM ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay sidii loo soo af jari lahaa khilaafaadkii siyaasadeed ee hareeyay shacabka wada dega gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Waxa uu intaasi raaciyay wasiir ku xigeenka in dowladdu ay mar kale shirka ugu yeereyso dhinacyada wax dhaliilsan ee ay quseeyaan arimaha Jubbooyinka iyo Gedo isaga oo ku baaqay in laga faa’ideysto fursadan oo ay wada heshiiyaan qabaa’ilka ay dagaaladu ku dhex mareen magaalada Kismaayo.



From the comments