Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay mas’uuliyadda is qab qabsiga siyaasadeed ee ka jira gobolada koonfur galbeed .
Shariif Xuseen Roobow oo ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka jira gobolada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladdu kaalinteedii aysan ka qaadan dajinta xiisadahaasi isla markaasina ay dayacday mas’uuliyadii ka saarneyd wax ka qabashada saansaanta colaadeed ee muuqaneysa arimaha maamul u sameynta goboladaasi.
Waxa uu intaasi raaciyay in looga baahan yahay madaxda dowladda ugu sareysa in ay gutaan waajibaadka ka saaran xal u raadinta caqabada dhinaca maamulka ah ee ay isku hayaan shacabka dega gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.



From the comments