Madaxweyne Xasan Sheekh oo u tegay magaalada Kismaayo furitaanka wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobolada jubbooyinka ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.
Furintaanka wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka wada dega gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka kala socda IGAD,qaramada Midoobay iyo midowga yurub.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad weyne aad u fara badan kuwaasi oo safnaa inta u dhaxeysa wadada ka soo baxda garoonka diyaaradaha ilaa gudaha magaalada Kismaayo.
From the comments