Wafdigii Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shirkii lagu soo gaba gabeeyay dalka Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad ayaa faah faahin ka bixiyay Muhiimadda shirka ay uga soo qeyb galeen wadanka Masar.
wasiir ku xigeenka wuxuu sheegay in madaxda shirka kasoo qeyb gashay ay u gudbiyeen warbixin ku aadan xaaladda abaaraha Soomaaliya iyadoo halkaasi looga dhawaaqay caawinaad ay u sameynayaan wadamada carabta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen iyo dib u dhiska adeegyada Bulshada.



From the comments