War-saxaafadeed: Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho , kadib markii uu kaga qeybgalay Magaalada Cochin ,gobolka Kerela ee dalka India shirka wadahadalka wadamada kulaala Badweynta Hindiya“ India Ocean Dialogue” , kaasoo ay ka qeybgaleen 28 dal oo qaarkood aan xubno ka aheyn Ururka , ayna uga qeyb-galeen qaab korjoogto ah.
Mudane Abdullahi Dool , ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay horumarka balaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada Siyaasadda,ammaanka, dib u heshiisiinta, dowlad wanaaga, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda .
Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka hadlay sababaha keenay in burcad badeeda ay ka dilaacdo xeebta dheer ee dalka oo ay ka duulaan tagaan , isagoo arrin farxad leh ku tilmaamay in sanadkan aanu dhicin fal la xiriira afduubasho maraakiib , taasoo uu xusay inay tusaale wanaagsan u tahay dagaalka iyo howlaha wacyigelinta ah ee dowladdu ku xakameysay burcad badeeda .



From the comments