
Xildhibaan ka mid ah barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay cadaalad darro uu sheegay in lagu kala fogeynayo beelaha wada dega gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan Sandheere oo ka tirsan mudaneyaasha golaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in qaabka ay wax u wadaan guddiga farsamada ee maamulka gobolada dhexe uu yahay mid kala fogeynaya beelaha la doonayo in maamulka loo dhiso ee daga goboladaasi.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda arintaasi ay leedahay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay cadaalad daro u qeybisay xubnaha guddiga farsamada ee dhismaha maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya.



From the comments