
Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Baasabooro si sharci darro ah loogu safray iyo dad si sharci darro ah ku yimaaday Soomaaliya.
Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud oo saxaafadda maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen baasabooradan oo lagu dhajiyay dal ku gal (fiisooyin) Suudaan ah kuwaasi oo la doonayay in lagu safro. Baasaboorada ay waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gacanta ku dhigtay ayaa gaaraya 42 baasaboor.
Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo lagu sheegay in ay iibinayeen oo ay sameynayeen baasabooradan sida sharci darada ah loo adeegsanayay.



From the comments