Goobjoog

Maamullada Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay geerida hogaamiyaha Al-shabaab

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay guul weyn in laga gaaray dilka hogaamiyihii xarakada Al-Shabaab oo diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay isniintii ku dileen gobolka Shabeellaha hoose…

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay guul weyn in laga gaaray dilka hogaamiyihii xarakada Al-Shabaab oo diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay isniintii ku dileen gobolka Shabeellaha hoose sida ay shegeen.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.

Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo Diiwaangelinta madaniga ah oo la waydiiyey sida ay u arkaan dilka hogaamiyaha Al shabaab Axmed Godane ayaa si kooban u sheegay inay  soo dhoweynayaan dilkaasi.

“Sida uu caalamku u arko ayaanu u aragnaa… Adduunka ayaana kala siman-nahay, qof kasta oo daalim  ahna waanu soo dhoweynaa in la dilo,” ayuu si kooban u yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada kaabaya ee midowga Afrika dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa Al-shabab ku dartay liiska ururada argagixisada bishii February ee sanadkii 2008-dii, iyada oo markii dambana dul dhigtay madaxa Axmed Godane lacag gaareysa todobo malyuun oo dollar.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments