War-saxaafadeed: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan Baydhabo kulammo kula lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa saakay kulan la qaatay ganacsatada gobolladan kuwooda ugu waaweyn ayadoo dhanka kalena wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ay kusoo biireen Xildhibaanno hor leh.
Waaberigii hore ee saakay ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kulan la qaatay xubno ka socday ganacsatada gobolladan oo uu kala hadlay sidii ay ganacsatadu uga qeyb qaadan lahaayeen hormarka gobolladooda iyo hirgelinta dhismaha maamul goboleedkooda.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu maanta qaabilay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo jeeda gobolladan islamarkaana noqday qeybta labaad ee Xildhibaanno kusoo biira wafdigiisa kuwaasi oo iyana qeyb ka qaadan doona wadahadalladan iyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen natiijooyin wax ku ool ah.



From the comments