
Maamulka degmada Kunturwaareey ee gobolka SHabeellaha hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku guulaysteen ka hor tagista falal ammaanka liddi ku ah oo ka dhici lahaa deegaanka.
Guddoomiyaha Kunturwaareey mudane Cabdiraxmaan Sabdoow ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay sii xoojin doonaan howl gallada lagu adkaynayo ammaanka.
Waxa uu carabka ku dhuftay guddoomiyaha in howl galkooda ay ku soo qabteen sida uu warka u dhigay dad lagu tuhmayo in xarakada Al-Shabaab ay ku lug leeyihiin.



From the comments