
War goor dhow naga soo gaaray xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay manta meel mariyeen xeerka saxaafadda.
Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay xeerka saxaafadda oo labo todobaad ka hor ay hor geysay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kadib latashiyo ay la sameyneysay qeybaha kala duwan ee saxaafadda ka howlgasha gudaha caasimadda iyo gobollada Soomaaliya.
kulankan golaha wasiirada oo dood dheer looga yeeshay qodobada xeerka saxaafaddu uu dhigayo iyo qaabka dhowrista xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta meel mariyay xeerkaasi iyagoo u gudbin doona baarlamanka Soomaaliya oo isagu hadda ku jira xiliga fasaxa iyada oo golaha baarlamanku uu isaguna ka doodi doono.



From the comments