
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u jeedisay dadka ku howlan mudaaharaadka looga soo hor jeedo xukunka ay gaarto maxkamadda.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ciidamada qalabka sida Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare oo la hadlay Goob Joog FM ayaa sheegay in maxkamadu ay dhowaanahan fulisay xukuno kala duwan oo qaarkood lagu fuliyay rag lagu sheegay in ay ka mid yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo uu sheegay in lagu cadeeyay in ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho.
Tuur yare ayaa ka digay in dadka mudaaharaadaya ay wax u dhimaan sida uu sheegay cadaaladda, isaga oo ka digay arinta ku aadan banaanbaxyada, waxaana uu ka dhawaajiyay in maxkamaddu ay digniin u dirayso dadkaasi.



From the comments