Goobjoog

Maamulka Xeraale oo dad u soo qab-qabtay xaalufinta dhirta

Ciidamada amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa soo qab-qabtay ilaa 10 dhalinyaro ah oo faraha kula jiray jarista dhirta deegaankaasi. Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee deegaanka Xeraale Maxamed…

Ciidamada amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa soo qab-qabtay ilaa 10 dhalinyaro ah oo faraha kula jiray  jarista dhirta deegaankaasi.

Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee deegaanka Xeraale Maxamed Cali Maxamed Cali ayaa Goob Joog FM u sheegay in ciidamadu ay sii wadayaan la dagaalanka kooxaha  ku kaca jarista dhirta  ee deegaanada  Galgaduud.

Dhowr jeer oo hore ayaa deegaano hoos taga  gobolka Galgaduud laga soo qab-qabtay dad lagu eedeeyay in ay jarista dhirta ka wadaan deegaanada gobolka Galgaduud.

Maxamed Cali Maxamed Cali ayaa sidoo kale digniin u jeediyay  dadka ku howlan baabi’inta iyo xaalufinta dhirta deegaanka, waxa uuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan halkaasi  in ay dhowraan  deegaanka.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments