Maamulka degmada DHabad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in heerkii ugu xumaa inta la xusuusto ay marayso abaarta iyo biyo la’aanta ka taagan degmadaasi.
Aadan Cabdulle Galaal Guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in oogada dadka ku dhaqan DHabad iyo deegaanada ku dhow ay ka muuqato rafaadka ka dhashay abaaraha taagan.
Waxa uu carrabta ku dhuftay in dowlada Federaalka ugu yeerayo imaanshaha degmada si indhaheeda ay ugu aragto waxa ka jira deegaanka marka laga hadlayo xaga abaaraha.



From the comments